Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday Muqdisho

Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Aqalka Hoose  Barlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxriistee Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad.

Warar ay heshay Warbaahinta Aragticusub ayaa sheegaya in xildhibaanku uu u geeriyooday cudurka Covid 19 oo  maalmihii la soo dhaafay uu la xanuun sanayay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe) oo  ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Hase ahaatee geerida Xildhibaanka ayaa loo sababeynayaa Cudurka Covid19oo aad ugu baahay Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale e Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com