Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Jubland oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo

Waxaa Maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku geeriyooday Allah u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaayay magaalada Kismaayo, islamarkaana uu saakay u geeriyooday xanuunkii haayay.

Lama faahfaahin nooca uu ahaa xanuunka haayay Xildhibaanka ee sababay inuu ugu dambeyn Maanta oo Isniin ah uu u geeriyoodo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdulaahi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com