Xildhibaan Fiqi’’Galmudug waxay foolanaysaa laba Maamul,,.

Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ayaa ka digay khilaafaadka ka jira Galmudug sababi karto in halkaas looga dhawaaqo laba maamul Goboleed.

Fiqi ayaa xusay in xaalada sii adkaaneysa ee ka jirta Galmudug mas,uuliyadeeda qaadan doonaan madaxda ugu sareysa dowlada.

’’ Sida hada wax u socdaan waxaa ii muuqanaysa in halkaas ka dhalato laba maamul oo iska soo horjeeda waxaana mas,uuliyadaas qaadi doona Madaxweynaha iyo Ra,isul wasaarada,,ayuu yiri Fiqi.

Xildhibaanka ayaa cod dheer ku sheegay in haatan muuqato saan saan muujinaysa in xaalada Galmudug sii xumaanayso dhanka maanul loo dhan yahay.

”galmudug waxaa ay foolanaysa laba maamul taas oo sii adkeyn doonta xaalka deegaanada Galmudug’’ ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Dowlada dhexe ayaa wali ku guuleysan la in xal ka keento is jiidjiidka dhanka maamul u dhisida Galmudug ee ka dhex jira siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadaas.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com