Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Dagaal Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Deni

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa Jawaab kulul ka bixiyey Hadalkii kasoo yeedhay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi dani  ee Sida wayn uu Madaxwayne Farmaajo ugu duray, Kuna xusay Arimo uu sheegay inay Gaar uga wada hadleen.

Xildhibaan Jeesow ayaa Nasiib darro wayn ku tilmaamay Hadalka kasoo yeedhay Madaxwaynaha Putlanad waxaa uu sheegay  “ in Waxyaabo Xan u badan ayay ahaayeen, Cid rumaynsan  karta  ma jirto hada,  Waxa uu ka hadlay Siciid Deni aan Qiimayn ku samayno”ayuu yiri ‘ Daahir Amiin Jeesow.

“Waxaa kale oo ka muuqata   waxyaabaha lagu Xumayno  Wejiga/Magaca Soomaaliya, Waayo Madaxwaynaha waa Astaanta Qaranka, hadii lagu eedeeyo argagixiso  waa wax lagu magac dilayo Qaranka Soomaaliyeed, Madaxwaynaha maaha shaqsi caadi ah yuu hadallkiisa raaciyayay Daahir Amiin Jeesow.”

Hadalkaan ka soo baxay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo beegmaya Xilli Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni uu waxba ula harain Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo kuna Eedeeyay in uu yahay  Nin Awood Ciidan ku faanaya oo aan dooneyn in Doorasho Xor iyo Xalaal ah ay dalka ka dhacdo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com