Xildhibaan Cabdirashiid Xidig: Gudoonka Baarlamanka Sac baqdiyay ayay caano ka maalayaan

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa diiday xayiraad uu guddoonku ka saaray ka qeybqaadashada fadhiyada baarlamaanka shanta fadhi ee soo socota.

Warqadda xayiraadda oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo nuqul ka mid ah BBC-da la soo gaarsiiyay, ayaa waxaa ka qaybgalka fadhiyada looga joojiyay 15 xildhibaan.

Xildhibaannadaas ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, hasayeeshee isla xildhibaannadaas ayaa guddoonka golaha shacabka waxa ay ku eedeeyeen inay ajanda kale oo qarsoon ay wateen oo ay meelmariyaan.

Xildhibaannaasi waxaa ka mid ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay inaysan jirin wax laga mamnuucay laakin ay arkeen warqadda ka soo baxayday “guddoomihii hore ee baarlamaanka.”

“Warqadda waan aragnay laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiaga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan.”

“Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad waxa ay doonayaan in sac baqtiyay ay caano ka maalaan marka hadalkooda wax macno ah ma sameeynayo ayuu yri Xildhibaan Xidig.”

Xildhibaanadan ayaa waxa lagu eedeynayaa inay khalalaase ka aabuureen fadhigii shalay ee Baarlamaanka oo ay joojiyeen ajandihii hase yeeshee Xidig ayaa sheegay inay hortaagan yihiin, ayna hortaagnaan doonaan”mashruuc ka dhaxeeya guddomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal, ku xigeenkiisa Mahad Cawad iyo madaxweyne Farmaajo oo doonaya inay waqti kororsadan.”

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in haddii uu guddoonka ku adkeysto go’aankaasi uu baarlamaanka xirmayo.

“Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay, dabcan Golaha Shacbkana wuu xirmayaa”

“Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaambka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa.”

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com