Xiisado Colaadeed oo ka Taagan Gobolka Sool iyo Wararkii ugu dambeeyay ee Halkaasi ka Imaanaya

Wararka laga helayo degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaas ay ka ka jiraan xiisad colaadeed oo u dhexaysa Somaliland iyo Dadka Degaanka.
Magaalada Laascaanood ayaa tan iyo xalay laga maqlay Rasaas waxaana xaafadaha qaarkood lagu arkayay kooxo hubaysan oo qaab qabiil u abaabulan, sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugan Laascaanood.

Isniintii shalay, dabley hubaysan ayaa xabsiga Laascaanood kala baxay dad loo soo qabtay dilal ka dhacay Gobolka, kuwaas oo u xirnaa Booliiska Somaliland.
Sidoo kale, Somaliland aya xalay Xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada oo ka soo jeeda Gobolka Sool, kaas oo aan weli la sheegin sababta loo xiray iyo danbiga loo haysto midna.
Gobolka Sool, waxa kal hore dhacay dagaal beeleedyo oo dhexmaray Bulshada Degaanka, kuwaas oo dad badani ku dhinteen, islamarkaana barakac iyo burbur keenay.
Dhinaca kale, waxa Degaanka ka dhacay dagaallo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo mudda dheer ku muransan Gobolka Sool, waxaana Gobolka loo aqoonsaday mid ay ku muransan yihiin labada maamul.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com