Dadka ku dhaqan Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa soo sheegaya inay weli xiisad ka taagan tahay degmdaasi, taas oo u dhaxeyso ciidan ka wada tirsan kuwa Dowladda Somaliya
Ciidamo u tagey Degmada Shangaani inay dad rayid ah ka raraan dhisme ku yaala degmadaasi ayaa waxay iska caabin kala kulmeen ciidamo kale, oo garab ka helaya maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.
Dhismaha gacan ka hadalka sababay ayaa ku yaala inta u dhaxeyso Xarunta Taraafikada (Visha Traffico) iyo Madbacaddii Qaranka, gaar ahaan dhabarka dambe ee dhismaha safaaraddii hore ee Itoobiya.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com