Xiisad ka dhalatay Dhul Beereed ku yaala Magaalada Kismaayo

Xiisad colaadeed  ayaa ka dhalatay  markii dhul beereed nawaaxyiga Kismaayo  deegaan u weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweynaha Jubland , Axmed Maxamed Islaam.

Ciidammada uu soo diray Axmed Madoobe ayaa doonayay inay sin qasab ah uga kiciyaan  dad dhul Beereedkaasi lahaa balse waxaa iska hor immaad dhex maray dadka Beeraleyda  iyo ciidankii halkaas tegay, sida la sheegay iska hor immaadkaas waxaa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay  3 qof oo ahaa dhinacyadii iska hor iaamdka uu dhexmaray.

Maamulka Jubland Axmed Madoobe ayaa lagu Eedeeyay in Dad shacab ah dhul ay lahaayeen uu xoog uga qaatay ka dibna uu a iibiiyay shirkado

Sidoo kale Waxaa Dadka degaanka ay sheegayaan shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ay mar walba Cabsi ku nool yihiin taasi oo ka dhalatay dhul beereedyo iyo degaano xoog looqa qaaday aysan weydiisan Karin maamulka Jubland oo ay ka baqayaan in la wax yeeleeyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com