XFS oo soo saartay Amaro lagu xakameeynaayo Cudurka Covid19

XFS ayaa soo saartay tallaabooyin cusub oo lagu xakamaynayo cudurka safmarka ah ee covid19.

Wasiirka Wasaarada caafimaadka XFS Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbaahinta u sheegtay in 48 saac ka yar ay cisbitaalka Martiini ku dhinteen 15 qof, waxayna sheegtay inay muhiim tahay in talooyinka caafimaadka la raaco.

Wasiirka warfaafinta ee XFS Cusmaan Abukar Dubbe ayaa isna sheegay in dawladda FS ay go’aamisay dhowr tallaabo oo ay ka mid yihiin in la fasaxay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda marka laga reebo kuwa lama huraanka ah, iyo in la joojiyey isu imaatinnimada. Waxaa sidoo kale uu wasiirku sheegay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmin ay xirtaan af-saar, in la joogteeyo kala fogaanshaha iyo in la yareeyo isku socodka gobollada iyo safarrada laga maarmi karo.

Amarada la xiriira Xakameynta Cudurka Covid19 ayaa ku beegmaya xilli cudurkaan uu si    ba,an u saameeyay bulshada soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com