XFS oo shaacisay in Maleeshiyo Hubeysan ay weerareen Fariisimaha Ciidanka Dawlada ee Muqdisho

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa qoraal uu la wadaagay warbaahinta ku tilmaamay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho in ay ka dambeeyeen maleeshiyo hubeysan waa sida uu Hadalka u dhigayee

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Maleeshiyada ay doonaayeen xalay saqdii dhexe in ay weeraraan Baraha koontaroolada ee Ciidamada dawlada ay ka joogaan muqdisho taaso oo keentay sida uu sheegay in si deg deg ah ay uga jawaabaan ciidamada

Hadaba Qoraalka uu warbaahinta la wadaagay wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubeey Xaaji ayaa u qorna sidan:

Malleeshiyaad hubaysan ayaa xalay saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa xalay fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.

Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa. Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa.

Wasiirka Amniga Gudaha
Xasan Xundubey Jumcaale

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com