XFS oo ku amartayDhammaan Shaqaalaha Dawlada in ay ka qayb qaataan Xakameynta Covid19

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha BulshadaXFS Duraan Axmed Faarax, ayaa ku Faray dhammaan Shaqaalaha dowladda, in aysan soo xaadirin Shaqada, islamarkaana ku shaqeeyaan Guryahooda, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhammaan Shaqaalaha dowladda, in ay yareeyaan isu-imaatinnada dhexdooda ah, kuna shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo adeegsanaya Barahooda mareegta Internet-ka, si looga taxaddaro caabuqa Coronavirus.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Agaasimayaasha iyo dadka muhiimka ah, oo aan shaqada looga maarmin ay imaan karaan Xafiisyada iyo Goobaha Shaqada, iyagoo raacaya talooyinka caafimaadka ee la xiriira ka hortagga COVID-19.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com