XFS oo Cambaareeysay Weerar ay geysteen Xuutiyiinta Yeman

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay malleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallamo dalka Yemen, markii ay Diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan ku weerareen Garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya .

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladdu ay rumaysantahay in weerarkaasi Argagaxiso aanu marnaba xasillooni u keenayn gobolka, balse uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen, sidoo kalena uu qalqalgelinayo amniga iyo degganaanshaha.

sidoo kaleqoraalka ayaa  lagu sheegay in Soomaaliya ay caddeynayso in Boqortooyada Sacuudiga ay ku garabtaagan tahay dagaalkeeda ka dhanka ah Argagaxisada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com