XF Soomaaliya Oo Shaacisay Kiisaskii Ugu Badnaa Ee Covid-19

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalin-laha ah ayaa ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah oo ay diiwan-gelisay.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay xanuunka uu soo ritay 79 qof oo ku kala sugan Muqdisho, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

38 ka mid ah dadkaasi ayaa laga diiwaan-geliyey gobolkaan Banaadir,  Jubbaland 22 ruux, Koonfur Galbeed 11 qof iyo Puntland oo iyana laga diiwaan-geliyey 8 kiis.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay geeriyoodeen saddex qof oo hor leh, halka ay cudurka ka bogsadeen illaa 14 qof oo kale.

Tirada Covid-19 ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 835 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso illaa iyo 38 ruux.