Xasan Sheekh: Waa Nasiib darro in Madaxweyne Muddo xileedkiisa uu dhammaaday uu na soo weeraro

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay Weerar  xalay lagu soo qaaday Hotel  Maa’ida Ex Naasahablood2 ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Xasan sheikh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Hotelka ay degan yihiin isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif sheikh Axmed ee Hotel Maa’ida ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in madaxweynaha waqtig ka dhammaaday Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu soo Abaabulay Weerar ka dhacay Hotel Maa’ida ee Ku yaala Nawaaxyiga Taalada Daljirka Daahson

Ciidamada Midowga Musharrixiinta iyo kuwa Dawlada taabacsan ayaa ku kala sugan Taalada Daljirka Daahson iyo Isgoyska Jubba

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com