Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay dhibaatadda xarigga uu ka mid yahay ee lagu haayo Wariyeyaasha.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya aysan caawineynin dhibaatadda Wariyeyaasha.
Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday joojinta Xadgudubka lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.
Xiritaanka Wariye ka howlgalayay Muqdisho ayuu ku tilmaamay dhaqan kaligii talisnimo ah.
“In loo hanjabo oo la xidho saxafiyiinta si loo aamusiyo, ma caawineyso dimuqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaaliya. Xadhiga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kelitalisnimo oo socda.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalka M/weynihii hore Xassan Shekh ayaa ku soo aadayo xili 14-kii bishaan dowlada somaaliya ay xabsiga u taxaabtay Wariye C/aziiz Gurbiye taas oo qeeb ka ah tacadiyada lagu ay lakulmaan wariyaasha Soomaaliyed
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com