Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay u diyaar garoobeen doorashooyinka dadban ee dalka lagu qabanayo, taas oo ay ku heshiiyeen Dawlada Federaalka , Dawlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir.
Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin baqdin ay ka qabaan ka qeyb-galka doorashaooyinka, isaga oo ka jawaabayay Warar soo baxayay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada una diyaarsaneyn.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Sheekh in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.
Warkaan ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aaday iyadoo mucaaradka Dawlada Soomaaliya shaki ay ka qabaan dib u dhac ku yimaada doorashada
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com