Xasan sheekh: ma Aqbaleyno sii joogista Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale ka Tirsan Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ka hadlay doorashooyinka iyo madaxweynaha waqti  xileedkiisa ka dhammaatay  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mudane  Sheekh ayaa ku Eedeeyay dib u dhaca ku yimid doorashada dalka u korka ka  saaray dowladda federaalka iyo madaxdeeda uu muddo xileedkooda dhamaaday, sida uu sheegay.

Madaxweyne Xasan sheikh sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qeyb ka yahay caqabada ku hor-gudban doorashada dalka, waxaana uu tilmaamay inuusan dooneyn in dalka ay ka dhacdo doorasho, xili ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso xal ka gaarista muranka doorashada.

Xasan sheikh ayaa farta ku fiiqay in aysan Aqbali doonin sii joogista Farmaajo ee Villa Soomalia

Warkaan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh bMaxamuud ayaa ku soo aadaya ka dib markii midowga musharixiinta mucaradka ay ku baaqeen dibad bax balaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo in uu ka dhacoMagalada Muqdisho maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com