Xasan sheekh : Dawlada Farmaajo waa ay ku guuldarreysatay Dacwadda Kiiska Badda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku edeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu dayacay Dacwada Kiiska badda  ee Dalkeena Soomaaliya  kala dhexeya Dalka aan jaarka nahay ee Kenya.

Madaxweyne  Xasan sheikh ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo Afartiisano ee la soo dhaafay uu ku Hawlanaa kala geynta maamul goboleedyada halkii uu culeyska saari lahaa dacwada badda .

“ Dawlada Dacwada Badda kuma mashquulin waxaa ay dhaqaale gelisay gobolka Gedo iyo Jubland sidii  loo kala fur furi lahaa  haddii ay gelin lahayd dadaalka intaasi lahaa eg badda mar hore ayaa natiijo laga heli lahaa Dacwada  badda ayuu yiri’ Xasan sheikh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xasan sheikh ayaa tilmaamay guuldarada heysata madaxweyne Farmaajo ee kiis badda ay tahay dadaal xumo ay dawladiisa ku smeysay kiiskaasi.

Eedeeynta MadaxweyneXasan sheikh U jeediyay  Dawlada  Madaxweyne Farmaajo ee la xiriirta Kiiska Dacwada Badda  Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dawlada Kenya ay dalbatay  in dib loo dhigay dacwada badda .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com.