Xaruun degmo oo Albaabada loo laabay cabsi laga qabo Alshabaab

Xaruunta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in Albaabada laysugu laabay ka dib markii ilo dhinaca Amniga ah ay u gudbiyeen mas’uuliyiinta degmadaasi Kaxda in Alshabaab ay qorsheynayaao weeraro ay ku fuliyaan xaruunta degmadaasi.

Dhammaan shaqaalaha degmada ayaa la fasaxay mana jiro illaa hadda cid ka Hawlgasha xaruunta degmada kaxda.

Hay’adaha Amniga Dawlada ayaa laga soo xigtay in degmada oo aan lahayn gabaad iyo dhufeys laga galo weerarada Alshabaab  taasi u sahleyso in xaruunta degmada galaan islamarkaan ay ku dhibaateeyaan shaqaalaha iyo Dadka kale ee shacabka ah ee ka shaqeeya degmadaasi

“Muddo 10 maalmood ah laguma shaqeyn xaruunta degmada Kaxda waxaana la fasaxay dhammaan shaqaalihii ka Hawgalayay xaruunta degmada cabsi laga qabo in Alshabaab ay soo weerarraan xaruunta degmada kaxda ,sidaasi waxa yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmada kaxda oo warbaahinta aragticusub u waramay diidayna in magaciisa la shaaciyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com