XARUN WAXBARSHO ISLAAMI CARRUURTA SOOMAALIYEED WAX LAGU BARO OO LAGA FURAY DULEEDKA MUQDISHO.

Waxaa dhawaan deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho laga furay Mu’asaso Islaami ah oo aan nooceeda abid looga dhisin gayiga Soomaaliya, taasoo Carruurta Soomaaliyeed iyo waliba dadka waa-weyn lagu bari doono xifdinta Qur’aanka Kariimka, qeybaha kala duwan ee culuumta diiniga iyo waliba kan maadiga ah.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culumaa’udiinta Soomaaliyeed kuwooda loogu jecel yahay guud ahaan dhulka Soomaalida ayaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudahiisaba la wadaagay waxa ay tahay Mu’asasaddan, xiliga la aas-aasay iyo waliba ula-jeedada loo furay.

Ugu horeyn Sheekha ayaa xarunta MU’ASASADDA DAARUL QUR’AANIL KARIIM WALCULUUMU ISLAAMI WAL-MAADIYA in la aas-aasay dhisideeda sanadkii 2014, waxayna howlgashay oo la daahfuray dhammaadkii sanadkii tagay DECEMBER 2019.

Sida uu sheegay Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif mu’asasaddu waxay kulmisaa dhowr Culuum, iyadoo lagu baran doono Qur’aanka Kariimka oo ardeyda la xifdisiin doono muddo aan ka badneen laba sano, mudadaasoo carruurta ay ku noqon doonaan xaafidul Qur’aan, sida uu ALLE ka rajeeyey.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif waxaa kale oo uu sheegay inay ardeydu baran doonaan Culuumta Islaamka tarbiyadda, Maadooyinka Aas-aasiga sida Dugsiyadda Hoose, Dhexe iyo Sare, halka ay uga sii gudbi doonaan Jaamacado taqasusaad kala duwan leh.

“Sanadaha soo socda Soomaalida dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku nool wax badan ayay ku anfici doonaan mu’asasaddan, Owlaadoodana wax badan ayay ka baran doonaan oo faa’iido u leh Adduun iyo waliba aakhiro” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif mar uu ka hadlayay daahfurka mu’asasadan cusub oo nooceeda aan horay looga furin gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekhu waxa uu dadka waaweyn ugu bishaareeyey inay halkaasi ka heli doonaan qeybta culuumta Islaamka lagu barto oo halqado kitaabadda cilmiga lagu akhriyo leh, si la mid ahna qeyb dumarka u gaar ah ay leedahay.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif wuxuu intaas hadalkiisa sii raaciyey inay soo dhaweyn doonaan cid kasta isagoo Ummadda Soomaaliyeed u rajeeyey inay ka faa’iideysan doonaan, halka uu xusay in carruurta Soomaaliyeed xuquuq ay ku leeyihiin inay gutaan ay u istaageen.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay u furan tahay, haddana ay joogaan oo lagu daahfuray ardey ka kala timid qeybaha kala duwan gobolada dalka Soomaaliya iyo Caasimada magaalada Muqdisho xaafadaheeda kala duwan.

Sheekha oo ALLE tala saaranaya ayaa sheegay in hadda la soo gaaray xiligii nacfiga laga heli lahaa, kadib sanado fara badan oo ay soo socotay dhisida xaruntaasi, isagoo xusay in goobta aysan ahayn meel shirkad ay leedahay oo dad badan shuraako ku yihiin, balse dad kooban oo uu isagu ka mid yahay ay u istaageen hirgelinta Mu’asasaddan si ay ugu faa’iideeyaan carruurta Soomaaliyeed iyo dadka waa weyn ee ku nool dalka gudahiisa iyo bannaankiisaba.

Mar uu ka hadlayay baaxada dhulka ay ku fadhido ayuu Sheekhu sheegay dhirirkeedu inuu gaarayo 800, halka balacuna yahay 100, waxaa marta laba wado, waxayna leedahay qeyb dalxiis carruurta ku mada-daalaan, halka waalidiinta soo booqdana ay arkayaan goobo indhahooda u roon kuna dareemayaan farxad.

Sheekha sidoo kale waxa uu sheegay inay carruurta Soomaaliyeed halkaasi ka heli doonaan wax kasta oo ay u baahan yihiin sida qolalka jiifka, raashiin isku dheela tiran oo waqtiyo kala duwan leh, biyo nadiif ah iyo daaween si loola socdo xaaladahooda caafimaad iyo koriinshiyaha jirkooda.

Haddaba waxaa socda is qorista tiradda ardeyda qiyaas ahaan ilaa 300-ilaa 400 Ardey ayaa loogu talagalay hase’yeeshee Sheekhu waxa uu sheegay haddii ay baahiyaha intaas ka bataan ay qeybo kale ku kordhin doonaan, dhammaan howlahaasna ay u qaban doonaan ALLE dartiis, macalimiinta wax ka dhigaysa ayuu sheegay inay dhammaan jaamiciyiin oo shahaadooyin heer sare ah heysta yihiin, cid kastana ay u furan tahay.

Wixii faah-faahin ah sharuudaha waxbarashada iyo waalidkana ay la xiriiri karaan xafiiska maamulka, halka uu ku amaanay Ummadda Soomaaliyeed inay yihiin dad wax badan fami kara, jecelna inay carruurtooda ku dadaalaan si ay u gaaraan horumar waxabarasho oo wanaagsan.

KALA XIRRIIR TALEEFANADDA HOOSE KU XUSAN:-

00252615558777

00252614158383