Xarun laga soconayo Marakiibta Isticmaasha Xeebaha Soomaaliya oo laga hirgeliyay Muqdisho+Ujeedo Daawo Sawirada

Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka ee Xukuumadda Xilgaarsiinta iyo xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa si wada jir ah xariga uga jiray xarun la gala  soconayo Gadiidka  Badda ee isticmaala Xeebaha Soomaaliya iyo ilaalinta Kheyraadka ku jira Badda

Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya ay joogaan markiib si sharci daro ah uga kalluumaysanaya iyo kuwo jabiyey heshiis ay horay ula galeen dalalka ay ka socdaan wasaaraduna ay tilaabo ka qaadi doonto.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Saleemaan Maxamed Maxamuud ayaa ku Amaanay wasaaradda inay furto xarunta lagula soconayo ilaalinta xeebaha Soomaaliya, xafiiska xeer ilaaliyuna uu ku garab siin doona ay dacwad lagu soo Oogo maraakiib iyo doomaha ku soo xad gudbo badda soomaaliya.

Sidoo kale Wasaarada Kaluumeysiga soo bandhigtay in xeebaha Soomaaliya ay joogaan maraakiib  oo qaarkood dansaday qalabkii lagu ogaan lahaa dhaq dhaqaaqa ay samayaan xiliga ay soo geleyaan Biyaha badda Soomaaliya taasi oo ah dembiga ugu horeeya oo ay galayaan dowladda Soomaaliya ay jawaabta ku haboon ka bixin doonto Ficilada ay ku dhaqaaqeen maraakiibtaasi.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com