Xal laga gaaray Murunkii ka taagnaa doorashooyinka Dalka

Warar  Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo saacadihii la soo dhaafay Magaalad Muqdisho ay ku yeesheen Madaxda Dawlad goboleedyada Dalka .

Shirkan oo ka socday Hotel ku yala Xerada Xalane ayaa u dhexeeyay Madaxda maamulada Jubland, Puntland Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur galbeed

Warar ayaa sheegaya in Heshiis is Afgarad ah ay 5ta Dawlad goboleed ay ka gaareen arimaha doorashooyinka Dalka

Madaxda Maamul Goboledyada ayaa isla soo qaaday sida kaliya ee  xalka loogu heli kro arimaha doorashooyinka murubka ka taagan waxaana sidoo kale ay ka hadleen in la qanciyo midowga musharixiinta oo iyaha tabasho badan ka qaba arimaha doorashada iyo in shirka Afisiyooni laga qayb geliyo Gudoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xashi Cabdilahi oo isaga dhaliilsan Hanaanka loo marayo doorashooyinka dalka

Hase ahaatee Xalka laga gaaray Khilaafka doorashada ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ismari waa uu ka taagna qabsoomida doorashooyinka Dalka .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com