Wararka naga soo gaaraya gbolka Gedo ayaa sheegaya in la kala saray Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii degmada Balad Xaawo
Warar ayaa sheegaya in qaarkood Meelo kale loo qaaday Halka kuwo kalenya la xareeyay
Maxaabiista ayaa lagu qaaday gaadiidka waaweyn ee kuwa xamuulka ah waxaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taal deegaanka Buundo Garas ee Degmada Doolow.
Illaa hadda lama oga Sababaha looga wareejiyay magaalada Beled Xaawo waxaana wararka qaar ay sheegayaan in maxaabiista la kala haybsoocay kuwa gobolka Gedo ka soo jeedo Meel laysugu geeyay Halka kuwa kalena xaaladooda aan la ogeyn waxa ay ku sugan yihiin
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday dhawaan dagaalii ka dhacay Balad Xaawo in Hub iyo Maxaabiis ay kula wareegtay
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com