Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa lagu Taageeray Musharax Cabdi Raxmaan Iidoow Abuukar oo u Taagan qabashada Kursiga Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee Beesha Moobleen Cusmaan 2021 iyo 2025
Munaasadabada ayaa waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Odayaal , Waxgarad , dhalinyaro, Aqoon yahano Iyo Haween Waxaana Xubnihii ka qayb galay munaasabada dhammaantood ay qireen in Musharax Xildhibaan Cabdiraxmaan Iidow Abuukar uu yahay Aqoon yahan PHD Holder ah ayna ka rajeynayaan in Beesha Moobleen Cusmaan Kuriga uu ku mateli doono wax badan ugu qaban doono
Musharax Xildhibaan ahna Aqoon yahan Cabdiraxmaan Iidoow Abuukar ayaa isna u mahad celiayay Dadkii ka soo qayb galay Xaflada ee dhiiro geliyay Musharaxnimadiisa Xildhibaan ,isaga balan qaaday in kursiga Xildhibaan ee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya sanada 2021 iyo 2025 ee uu u tartamaayo uu ugu Adeegi doono Dalkiisa iyo Dadkiisa
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com