Waxaa Xerada Afisyooni lagu qabanayaa xafladda gunaanadka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in uu ka soo baxo la xiriira heshiis ay si wadajir ah u saxiixeen madaxda dowladda goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa ka qayb galaya dhammaan saamileyda Siyaasadeed marka laga reebo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo aan ku qancin guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi.
Xaflada ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galaya dhammaan Safiirada dalalka caalamka ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.
Gaba-gabada xafladan ayaa lagu wadaa in madaxdu ay soo saaraan bayaan ku saabsan heshiiskii ka gareen arimaha doorashooyinka kaas oo ku saleysan hirglinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September.
Qodobka ugu adag ee heshiiskan ayaa lagu sheeegay inuu ahaa kan guddiga doorashada ee gobollada Somaliland, maadaama aysan markii hore jirin cid ku mataleysay wadahadallada, xaafiiska Ra’isul Wasaaraha uu xaqiijiyay in Ra’isul Wasaare Rooble uu ballan qaaday in uu dib u eegis ku sameyn doono arrintan.
Shirkan oo uu Gudoominayay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland, Koofur Galbeed, Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com.