Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa cambaareeysay Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada muqdisho eel ala beegsaday maqaahida Luul yemani ee ku taala degmada Xamar Jabab ee gobolka Banaadir

War Qoraal ah ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay cambaaraynayso weerarkaasi.

Qaramada Midoobay ayaa tacsi u dirtay Qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, halka kuwa ku dhaawacmayna ay caafimaad ay rajaysay.

Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxii  xalay ka dhacay Maqaahida Luul Yemani kaas oo loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana ku dhintay ku dhawad 30 ruux halka dhaawacana intaas uu ka badan yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com