Xaaska Marxuum Cali Mahdi oo ku geeriyootay Magaalada Nairobi

Alle ha u naxariisto  Waxaa magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ku geeriyootay Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Raxmo maxamuud Gacal oo ahayd Xaaska masaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed aya ku geeriyootay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal ayaa wararku ay sheegayaan in ay u geeriyootay Cudurka Covid19 oo maalmihii dambe ay u xanuunsaneysay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Raxmo Maxamuud Gacal oo ahayd Xaaska Marxuum Cali Mahdi Maxamed isna dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi laguna Aasay Magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo uu sheikh Shariif sheikh Axmed soo dhigay Bartiisa Face buugga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal.

NAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi.

Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com