Xaaladda Caafimaad Ee Afhayeen Macalimuu Oo La Shaaciyey Inay Wanaagsan Tahay

Qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa waxaa barqadii Maanta meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Jugta qaraxa ayaa waxaa la maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in qaraxa lala beegsaday Afhayeen Macalimuu, xili uu doonayey inuu gaariga ka dego, waxaana soo gaaray dhaawac oo loo dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in qof is-miidaamiye ah uu isku qarxiyey gaariga Afhayeenka Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha  Maxamed Ibraahim Macalimuu, isal markaana dhaawac kasoo gaaray qaraaxas.

Xaaladda Caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa la sheegay inay wanaagsan tahay, uuna Caafimaad qabo, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku howlan la tacaalida xaaladdiisa ee Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaan weli ka hadlin qaraxa Is-miidaaminta ahaa ee meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari uu watay Afhayeen Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com