Xaalada Magaalada Laascaanood oo weli kacsan

Maalintii Afaraad oo xiriir ah ayaa xaalad kacsanaan ah kajirtaa Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo bannaannaxyo rabshado wata ay ka dhigayaan Shacabka Magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa mararka qaar rasaas ku ridaya Shacabka, kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaarto, waxaana saaka Magaalada laas-Caanood lagu arkayaa Shacab careysan oo meelaha qaar xirtay, kuwaas oo ku dhawaaqaya Somaliland dooni meyno, dhimasho ayaan diyaar u nahay nina Laascaanood ugaga carari mayno iyo erayo kale.

Dhinaca kale Somaliland ayaa Ciidamo aad u farabadan soo dhoobtay waddooyinka qaar ee Magaalada laas-Caanood, waxaana Maalintii Afaraad xiran inta badan Goobaha Ganacsiga Magaalada, iyada oo ay xusid mudan tahay in dad badan ay ku dhinteen rabshadaha kajira Magaalada laas-Caanood.