Xaalada Magaalada Jowhar oo degan ka dib dagaal culus oo maanta ka dhacay

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xaalada Magaaladasi ay degantahay ka dib markii dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Hirshabeele oo kooxo la magacbaxay Macawisleey oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ay ku dagaalameen magalada Jowhar

Dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay waxaana dagaalka uu yimid ka dib markii saldhiga magaalada Jowhar lagu  horjooge ka tirsan kooxda Macawisleyda ee Beesha Gaaljecel ka tirsan.

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan waxaana dagaalkii markii dambe ku soo biiray ciidanka Haramcad oo ka Tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah eek u sugan Magaalada Jowhar

Dadka ku dhintay dagalkaasi ayaa waxaa ka mid ah  Cali Axmed Gadood oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Hirshabeele waxaana ku dhaawacmay  waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada Hirshabeele

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkii Hogaaminayay Kooxda Macawisleyda uu dagaalka ku dhintay waxaana toogtay ciidamada Haramcad eek u sugan Magaalada jowhar

Xaalada ayaa hadda degan mana jirto wax colaad ah oo ka taagan Magaalada Jowhar in kastoo laga baqdin qabo in kooxda Macawileyda ay dib u soo rogaal celiyan dagaalka balse warar ayaa sheegaya in labada dhinac uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu soo kala gaaray

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com