Wiilkii Yaraa Ee rer Marooko Kuna Dhacay Ceelka Oo Geeriyooday

Wararka naga soo gaaraya waddanka Marooko ayaa sheegaya in Rayan, wiilkii yaraa ee muddada shanta maalmood aheyd ku jiray godka ceelkii uu ku dhacay uu geeriyooday.

Howlwadeennada gurmadka degdega ayaa muddaba ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen, iyadoo daqiiqado ka hor ay ku guulaysteen inay wiilka soo saaraan.

Aqalka Boqortooyada ee dalkaasi ayaa bayaan uu soo saaray dhawaan waxaa lagu sheegay in wiilka uu dhintay ka hor inta aanay kooxaha gurmadka degdega ah soo badbaadin.

Boqor Maxamed-ka 6-aad oo ah boqorka dalkaasi Marooko ayaa u tacsiyeeyay waalidiinta dhalay Rayan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com