WHO oo ku dhawaaqday Caabuqa Corona inuu yahay Musiibo Caalami ah

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo caalami ah.

WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka uu sababay fayrasku, 114 dal oo adduunka ah.

Agaasimaha WHO ayaa Caalamka ugu baaqay in la qaado tilaabooyin deg deg ah loo baahan yahay in wax looga qabto dhibaatada taagan.

  1. Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Shiinaha ay tahay Tusaalaha Wanaagsan ee   kahortagga Coronovirus.