Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM

Weerarkaan madaafiicda ah ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Burundi oo ka tirsan howlgalka AMISOM ku leeyihiin degaanka Miirtaqwa oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadka kunool degaanka Miirtaqwa  ayaa waxaa y sheegeen in madaafiic dhowr ah ku dhaceen xerada Ciidamada AMISOM & agagaarkeeda, hayeeshe aysan xaqiiin Karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegay inay ku dileen 4 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, in kastoo aysan jirn warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Degmada Mahaad & degaannada hoostaga ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah & Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com