Weerar ku bilowday Qaraxyo oo xalay kooxo Hubeysan ay ku qaadeen Xabsiga Weyn ee Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Weerar ku bilowday qaraxyo kooxo hubeysan xalay ay la beegsadeen xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso

Dagaal oo socday ku dhawaad muddo saacado ah ayaa la sheegay in uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Wararka ayaa sheegaya in i Askari oo ka Tirsan Ilaalada Xabsiga uuu geeriyooday iyadoona  dhaawac soo gaarayTaliyihii xabsigaasi

Maxaabiista Xabsiga qaarkood ayaa baxsatay halka qaarna gacanta ay ku soo dhigeen Maamulka Puntland

Kooxda Weerarka qaaday oo loo maleynaayo in ay Yihiin Daacish ama Alshabaab ayaa la sheegay in ay baxsadeen weerarka ka dib waxaana jira sida wararku ay sheegayaan  jira khasaare gaaray kooxda weerarka qaaday in kastoo aan la ogeyn halka khasaaraha uu gaarsiisan yahay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com