Wax ka Ogow Taariikhda iyo Halka uu ku dhashay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed Wuxuu ku dhashay tuulada Cadoow uul oo ka tirsan Gobolka  shabeelada dhexe  sanadkii  1938 dii.

Cali Mahdi wuxuu wax  ku soo bartay Iskuuladii Xamar ka jiray. CaliSanadkii  1959 kii  ayaa Cali Mahdi uu  Qaahira  aaday si uu wax ugu soo barto.

Cali Mahdi wuxuu fursad u helay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969 kii, asagoo noqday qofkii ugu da’da yaraa ee xubin ka noqda baarlamaan Soomaliyeed.

Kadib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shacabka ahayd ee wadanka la wareegay Xoogga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 dii

Cali Mahdi waa uu ka tagay shaqadii Dawladda waxa uuna u wareegay ganacsi.

Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waaweeyn ee soomaaliya.

Sanadahii 80kii  Cali Mahdi iyo Aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur USC iyo  odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee markaas dalka xukumayay Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad  Barre, sanadka markuu ahaa 199kii, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen

Taageeyaasha Jeneraal Maxamed Faarax  Xasan Caydiid kaas oo diidanaa madaxweynenimada Cali Mahdi.

Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.

Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah madaxweynayaashii burburka madaxweynihii ugu horreeyey ee xilka qabta ka dib markii ay dhacday dowladi kacaanka ee uu hogaaminayay  jaalle Maxamed Siyaad Barre. Cali mahdi oo xilkan loogu dhiibay shir ka dhacay dalka  (Djibouti) oo ay isgu yimadeen ururradii hubaysnaa ee la dagaalamay Dawladii kacaanka ee ka talinaysey dalka, isagoo taageero ballaaran ka helaya kooxdii (Manifesto), balse markii uu dalka yimid si toos ah uu ugu soo hor jeestay Maxamed Faarax Caydiid is mari waagi ka dhashay khilaafka labada hogaggamiye wuxuu isu rogay Dagaal Sokeeye oo qaraar oo ay ku naf waayeen kumannaan Soomaali ah aIslamarkaana sababay qaxa iyo barakaca kumannaan kale.

Marxuum Cali Mahdi wuxuu ku caan baxay inuu qayb lixaad leh ka qaatay dagaalladii la magac baxay (Afar Biloodka) oo si weyn loogu soo xasuusto marka magaciisa la soo hadal qaado. Dagaalkaas oo xusuus naxdin iyo tiiranyo leh ku reebay dad badan oo Soomaali ah,dagaalkaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

MarxuumCali Mahdi oo ka mid ahaa ergadii ka qaybgalaysay shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee ka furmay 15/10/02 Magaalada Eldoret ee ku taal duleedka Magaalo madaxda dalka Kenya ee (Nairobi), shirkan oo ay ka soo wada qayb galeen guud ahaan qabqablayaaasha Soomaalida siiiba kuwii gacan saarka la lahaa Xabashida ee ku bahoobay Ururka la oran jiray SRRC-iida.

Cali Mahdi ayaa markii shirku muddo socday isaga baxay shirka  oo isaga huleeelay goobtii shirku ka socday dalka Kenya,

Mar la weydiiyay sababta uu shirkasi isaga baxay wuxuu ku dooday inaan shirka Soomaalidu u madax bannaanayn maamulkiisa uusanna gacanta ugu jirin, isagoo eedda faragalinta shirka dusha uga tuuray Urur Goboleedka  IGAD, si toos ahna u sheegay inay faragalin cad ku hayso qaab socodka shirka taas oo sida muuqata u cuntami waysay Cali Mahdi dabadeedna ku dhalisay inuu shirka qaadaco.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com