Soonku waa mid kamid ah shanta tiir ee lagu dhisay Diinta Islaamka, waana waajib aan gudushadiisu u baahnanay in qofku leeyhay awood dhaqaale, waa tiirka 4aad ee Islaamku ku dhisan yahay, waxa uu kamid yahay cibaadada gaarka ah ee u dhexeysa rabbi iyo qofka Sooman
Qeexidda Soonka:
Marka la raaco sida uu u qeexay Immaamu Shaafici soonku waa:- Af-heysi gaar ah, oo laga Af-haysanayo walxo gaar ah lana afheysanayo xilli gaar ah, una gooni ah shaqsi gaar ah.
Dhinaca sharciga marka loo kaco Soonku waa Ka Af-heysiga Cunto, Cabitaan iyo galmo xilli xaddidan oo u gaar ah dad gooni ah.
Marka qeexitaankaan la falanqeeyo islamarkaana la sii iftiimiyo soonku waa in Qofka Muslimka ah, Qaangaarka ah, garaadkiisu dhan yahay uu ka Afheysto dhammaan waxyaabaha wax afuriya laga billaabo dhalashashada Fajarka koowaad illaa qorraxdu ka dhacdo, iyada oo lala xiriirinayo in la niyeysto Soonka inta habeennimo, waxaana shardi ah in aanay jirin dhammaan waxyaabaha kahor istaaga in qofku Soomo sida Dhiigga caadada, kan dhalmada iyo Waallida
Waajibinta Soonka
Soonku weligiiba waa jiray, xitaa Ummadihii hore qaarkood ayuu waajib ku ahaa, balse diinta Islaamka oo Soonku yahay tiirkeeda 4aad waxa ay waajibisay gudahashada Soonka kaddib markii Baytal Maqdas laga beddelay Qiblada loona beddelay Kacbada magalada Maka, Bishii Shacbaan sanadkii labaad ee Hijriyada ayaa soonka lagu waajibiyey dhammaan dadka Muslimiinta ah, Qaangaarka ah islamarkaana awooda in ay Soomaan.
Tiirarka Soonka
Tiirarka Soonku waa laba tiir oo keli ah
Niyadda: oo loola jeedo in qofku Niyeysto inta habeennimo in uu gudanayo maalin Soon oo Waajib ah, waana in la cusbooneysiiyo habeen walba
In uu ka Afheysto dhammaan waxyaabaha wax afuriya laga billaaboo dhaslahada Fajarka (salaadda Subaxa) illaa Qorraxdu dhado
Shuruudaha Soonka
Qof walba oo soon kuwaajibayo waxaa looga baahan yahay in uu buuxiyo 3 shardi, kuwaas oo haddii laga waayo aan Soon waajib ku ahayn, saddexdaas shardi waxa ay kala yihiin:-
Islaam: Soonku waajib kuma aha dadka aan Muslimka ahayn, taas oo macnaheedu yahay in aan soon waajib ku ahayn qof aan Islaam ahayn, sababtuna haddii uu soomo malaha wax macno iyo waxtar ah soonkiisaasi.
Qaangaar ama xilkas: xilkas ama Takliif waxaa loola jeeda in qofka Muslimka ah ee Soomaya uu yahay Qaangaar garaad iyo caqli leh, haddii qof muslim ah laga waayo labadaas tilmaamood wax waajib diineed ah oo saaran majiraan.
Cudur-daar la’aan: Waa in uu ka maran yahay dhammaan sababaha joojiya ama diidaya in uu soomo ama banneynaya in uu afuro qof Muslim ah, Caqli leh islamarkaana qaangaarka ah, sababbahaas waxaa kamid ah (B) Dhiiggagga caadada & Dhalmada ee kudhaca dumarka, (T) Miir-daboolanka iyo Waalida haddii ay jiraan maalinka oo dhan, haddiise qofku ka baxo miir-daboolan iyo waalli inta maalinku jiro waa in uu af-heysto inta kadhimman.
Sababha Banneeya Af-furka
Jirro iyo Xannuun daran oo looga cabsado in qofka dhibaato gaarto
Safarka dheer oo kabadan 83 Km, waana in safarkaasi yahay mid bannaan oo qaadanaya maalinka oo dhan, haddii qofku waabariisto isaga oo Sooman ee safar degdeg ah soo galo inta maallinimo uma bannaana in uu afuro (Fiiri aayadda 185, Suuradda Albaqra)
Qof aan awoodin in uu Soomo, gabow ama caafimaad xumo awgood, (Fiiri Aayadda 184, Suuradda Albaqra)
Qoraalka iyo macluumaadkan oo faahfaahsan kafiiri Kitaabka Fiq-hi Almanhaji, Mad-habka Immaamu Shaafici, Cutubka koowaad, Bogga 331-339
Waxaa si wadajir ah u qoray kitaabkan Dr: Mustafa Alkhin & Dr: Mustafa Albuga
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com