Wax ka Ogow Socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya +Muhiimadda Safarkiisa Baladweyne

Wafdi uu Horkacayo wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muqtaar Xuseen Afrax ayaa gaaray M/ Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaasi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baledweyne kusoo dhoweeyay Xubno ka ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo iyo Saraakiil Ciidan

Muhiimada Socdaalka wasiirka ayaa ah sidii ay u xalin lahayeen tabashada dadka reer Hiiraan aay ka qabaan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo dhalisay xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga soo horjeedo madaxda Hirshabeelle ee dhawaan Jowhar lagu soo doortay.

Wasiirka ayaa la filayaa wadaa inuu kulan la qaato waxgaradka Hiiraan ee tabashada ka qaba Hirshabeelle iyo hoggaamiyaha ciidamada diidan Hirshabeelle Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo siweyn uga horyimid inuu Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com