Wasiiru Dawlaha Wasaarada Awqaafta ee XFS oo soo saaray Amaro lagu xakameynayo Cudurka Covid19

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  kulan looga hadlayay ka hortagga Cuduroa Covid19  kula qaatay masjidka isbaheysiga culimaa’udiinka, imaamyada iyo khadiibyada masaajidadda magaalada Muqdisho.

Sheekh Basiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Cabdi Xayi oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay doorka looga baahan yahay culimada xilliyadan oo kale, iyagoo ku baaqay in wadajir loo wajaho ka hortagga COVID-19 oo dhibaato ba’an ku haya dalkeenna.

Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan ka kooban 9-qodob, kaasi oo awaamiir dul dhigaya masaajidda iyo goobaha le’isugu yimaado si looga hortago faafidda cudurka.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa faray imaamyada masaajidda dhaqan gelinta bayaanka si looga taxadaro faafidda COVID-19.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com