Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha dibada iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo kulan wada yeeshay

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya , Qin Jian, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wasiiru-dowlaha ayaa kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga labo geesoodka.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda arimaha dibada , Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji,ayaa looga horumarka iyo , iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha , iyadoo sidoo kale looga warbixiyay maraxlada   ay marayso Soomaaliya iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada Dal.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com