Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda uu Waqtigeeda Dhamaaday oo Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo kula kulmay Cabdirashiid Janan

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan dawladda ay duleedka magaalada Beled Xaawo kula kulmeen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo soo ahaa Wasiirka Amniga ee Jubaland.

Warbaahinta dawladdaFederalka  Soomaaliya ayaa qortay Islamarkaana Tebisay in Cabdirashiid Janan ay degmada Balad Xaawo e gobolka Gedo ku la kulmeen xubno uu ku jiro Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala.
Arintaan ayaa Imaaneysa iyadoo Cabdirashiid Janan wadahadallo kula jiray dawladda Soomaaliya.

, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa sheegay inuu xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga ee maamulkiisa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa dawladda Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu bishii Augus sannadkii 2019-ka iyada oo ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus” oo ay ku jiro kuwo la xiriira xuquuqda aadanaha. Eedahaas wuu beeniyey Cabdirashiid Janan, waxaanu xariggiisa ku tilmaamay inuu la xiriiray siyaasad.

Bishii Jannaayo ee sannadkii hore ayaa Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday goobtii lagu haayay, waxaana uu dhuumasho ku tagay magaalada Kismaayo.

Bishii Maarso ee sannadkii hore ilaa bishii Janaayo ee sannadan laba iska horimaad ayaa magaalada Beled Xaawo ku dhexmaray cidamada Cabdirashiid Janan ee mamaulka Jubaland iyo kuwa dawladda federaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com