Wasiirka Cadaalada oo ka hadlay dilka Hawlwadeen ka Tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka

Wasiirka Wasaarada Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaajiayaa u Tacsiyadeeyay Qoyska qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa Agaasimihii Waaxda IT-da ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha  Qaranka.

Maxamed C/qaadir Cilmi ayaa waxaa dilay Askari ka Tirsan Ciidabka Asluubta islamarkaana ilaalo u ahaa Wasiirka Cadaalada  Xasan Xuseen Xaaji

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Askariga dilka geystay uu xiran yahay baarisna ay ku socoto

Wasiirka Cadaalada ayaa sheegay in uu aad uga murgooday geerida Marxuum Maxamed C/qaadir Cilmi oo ka Tirsanaa Hawlwadeenada Xeer ilaalinta Qaranka