Wasiirka waxbarashada  Norwey  oo waalidiinta ugu baaqay in si deg- deg carurta loogeeyo goobaha wax barashadda

 

Xili intabadan wadanka Norwey dowladu ay sheegtay in si tar-tiib tar-tiib ah guud ahaan wadanka loo furay islamarkaana intabadan goobaha waxbarashada lafuray ayaa wax soobaxayo in magaalada Oslo intabadan ardayda ee sooxaadirin goobaha wax barashada.

Soo xaadiritaanka dugsiyada iyo xannaanooyinka ayaa ku yar qaybo ka mid ah Oslo.

Wasiirka waxbarashada Norwey ayaa sabab uga dhigtay in Oslo iyo nawaaxigeeda ay u badanyihiin badan taasina ay  sabab utahay in waalidiin badan caruurta guryaha ku heestaan.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ku dhiirigeliyo waalidiinta oo dhan inay carruurtooda ku soo celiyaan xanaanada iyo iskuulka. Asxaabta, macallimiinta iyo shaqaalaha aad ayey muhiim ugu tahay waxbarashada, horumarka luqadda iyo samaqabka, ayay tiri Melby. Talaadadii waxay booqatay xanaanada caruurta ee Ammerudlia ee Grorud.

Sidookale duqa magaalada  Oslo Marianne Borgen ayaa halkaas boqatay waxa ay ku baaqday in carruurta dib loogu sooceliyo xanaanada iyo iskuulka.

Magaalada Oslo, xaadiritaanka xanaanada caruurta wey kala duwantahay kadib markii dib loo furay degmada Ullern ee galbeedka, boqolkiiba 93 ayaa soo xaadiratay.

Degmada Stovner , kaliya 51% ayaa timid. Waxay muujineysaa tirooyin ka socda degmada Oslo waxaa jiri kara dhowr sababood oo carruurtu aysan u soo u imaanin isguulada iyo goobaha xanaanada.

Waalidiin badan aya ka cabsi qabo in caruurta hadii School-da iyo goobaha xanaanada u diraan ay kabaqayaan in cudurki dib guryaha ugu keenaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com