Wasiirka Maaliyada Puntland oo Su,aalo laga Weydiiyay Cabashooyin laga soo Gudbiyay

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa Maanta hor-tegay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland oo su’aalo ka weydiiyay Cabashooyin ay Guddiga u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka Puntland.

Kulanka maanta ee Guddiga joogtada ah oo uu hor-tagay  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Abgaal ayaa la weydiiyay Cabashooyinka Hay’adahaas oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Wasiirka ayaa faah-faahin ka bixiyey arrinta cabashabashada  ee la soo hor-dhigay, waxaana uu sheegay in aaney marna soo gaarin Xafiiskiisa wax cabasho ah oo ku saabsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL, balse waxa uu xusay inay kulmeen Hay’adda Qandaraas-bixinta iyo Iibka DPL uuna ka qanciyey cabashadii ay ula tageen.

Wasiirka maaliyada  waxa uu Guddiga u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay in uu ka qanciyo Hay’adaha ku shaqada leh cabasho kasta oo ay qabaan, ka dib waxaa Guddigu su’aalo ka weydiiyeen cabashooyinka ka soo gaarey Hay’adahaas

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com