Wasiirka Haweenka ee XFS oo la kulanaty Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xaruunta Wasaarada Haweenka ku qaabishay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander, ayagoo ka wada hadlay arimaha doorashooyinka gaar ahaan xaqiijinta qoonddada dumar ee 30%.

Danjire Staffan Tillander, oo wakhtigiisa dhammaaday ayaa wasiir Xaniifa ugu mahadcelisay wada shaqeyntiisa muddadii uu ahaa danjiraha Sweden ee Soomaaliya, waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan ka dib marka uu ku laabto dalkiisa.

Dowladda Sweden ayaa ka mid ah dalalka taageera dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si gaar ah wasaaradda haweenka iyo safaaradda Sweden waxaa ka dhexeysa wada shaqeyn fiican oo la xiriirta arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

Beesha Caalamka ayaa dooneysa in doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya  Haweenka Soomaaliyeed laga siiyo qoondadooda ah 30%. Si ay Haweenka uga qayb qaataan tartanka kuraasta labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Aragticusub Muqdisho

info@aragticusub.com