Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyiinka Xukuumadda Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya maanta gaartay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabeelle, Mas’uuliyiin,ururada Bulshada rayidka ah Bahda Barbaarta gaashaaman ayaa magaalada ku soo dhoweeyay Wasiir Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

 

Wasiir Khadiijiyo Maxamed Diiriye oo soo dhoweyn ka dib la hadashay warbaahinta ayaa ku sheegtay ujeedka ay u timid Jowhar iney tahay ka qeyb galka Doorashooyinka maamulka Hirshabeelle oo heer gabo-gabo ah maraya.

 

Sidoo kale, Wasiirka Garagaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday iney si dhow ula socoto Xaaladaha fatahaadaha ee ka jira deegaanada Hirshabeelle wax badana ay ka qaban doonaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com