Wasiirka Gaashaandhigga oo Xafiiskiisa kula kulmay Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhiga Xuluumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa kula kulmey taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabaas Aamiin Cali.

Wasiirka ayaa kulanka inta uu socday warbixin ka dhageystay taliyaha iyo Saraakiisha kulanka ku wehlisay.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku boorriyay saraakiisha Dardar-galinta Howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ka shaqeynta Horumarinta Ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com