Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo Xariga ka jaray diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadlayaasha

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad  oo xarig ja jaray diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha ayaa ka warbixiyey dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u soo celinta astaamaha Qaranimo ee aasaas u ah horumarka dalka iyo dadka.

Munaasabadda xarig jarka oo ka dhacday magaalada Muqdisho,waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Danjirayasha dowladaha caalamka  Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed

Wasiirka oo ka hadlay kulankaasi ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.isagoo ugu dambeyn wasiirka halkaasi ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda xagga duullimaayada ah ah iyo Duuliyaal soomaaliyeed.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com