Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka War bixiyay diyaaradii ku dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Wasiiirka gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar  ayaa faah faahin ka bixiyey shil diyaaradeed oo saaka ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Oomaar ayaa sheegay in diyaaradda oo ay la socdeen illaaa 4-qof oo isugu jira duuliyeyaasha iyo shaqaale, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo  fud-fudud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu burbur diyaaradda dhacday ka soo gaaray qeybta hore, kaddib markii ay ku dhufsatay derbi shub ah oo ah xayndaabka garoonka.

Wasiirka gaadiidka duulista hawada Soomaaliya ma shaacin sababta dhalisay shilkaasi ku yimid diyaaradda oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Diyaaradda oo uu numberkeedu yahay 5Y-MHT ayaa u diiwaan-gashan shirkadda Silverstone ee dalka Kenya, basle waxa ay u kireysneyd shirkad Soomaali ah oo la yiraahdo Saacid Airlines, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com