Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Amar uu bixiyay oo keentay in xabsi la dhigo qaar ka mid ah Hogaanka shirkadaha diyaaradaha

khilaaf ayaa  soo kala dhex galay Wasaarada duulista hawada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hogaanka shirkadaha diyaaradaha Ka howlgala Soomaaliya.

Hay’adaha Amniga ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xabsiga dhigay madaxda shiradaha duulimaadyada oo shir uga socday Hotel decale oo Madaarka Muqdisho ku dhex yaalla.

Xubnaha la xiray ayaa ka shirayey sida ay ka yeeli lahaayeen Murun soo kala dhex galay iyaga iyo Wasaarada duulista hawada Soomaaliya.

Amarka lagu xiray madaxda Shirkadaha duulimaadyada waxaa bixiyey sida la sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.