Wasiirka cusub ee wasaaradda Gashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday, sidii loo horumarin lahaa taageerada uu Mareykanka siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dib u dhiskooda.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale diirada saaray xoojinta ammaanka dalka oo dhowaan galayo maraxalad doorasho.
Safiirka Mareykanka oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay boggaadineyso horumarka ay amniga ka sameeyeen ciidamada Soomaaliya.
Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qeyb qaataa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo badhtamaha dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com